Cawaan Juhalo dooneysay in ay yoomul khiyaamaha ka baxsadaan oo dalkoodii dib loogu celiy
Dad ‘Nabi Ciise ka baadi-goobayay Itoobiya’ oo la qabtay Xubno ka tirsan kaniisad oo la sheegay inay ka tageen Uganda oo ay ku sugnaayeen deegaanka Nangatom ee Koonfurta dalka Itoobiya si ay uga fogaadaan qiyaamaha ayaa dib loogu celiyay dalkooda bilo ka dib.
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Uganda, xubnaha kaniisadda oo tiradooda lagu sheegay 80 qof ayaa wadaadkooda ku qanciyay inay tagaan Itoobiya oo ay iska soomaan.
Waxaa la sheegay in xerta wadaadku loo sheegay in ay “la kulmi doonaan Ciise masiix” ka dib marka ay soomaan 40 maalmood.
Ciidamada Booliska Uganda ayaa hadda isku dayaya in ay soo qabtaan ninkan oo lagu magacaabo Simon Opolot. Waxaa la sheegay in xerta wadaadku loo sheegay in ay “la kulmi doonaan Ciise masiix” ka dib marka ay soomaan 40 maalmood.
Ciidamada Booliska Uganda ayaa hadda isku dayaya in ay soo qabtaan ninkan oo lagu magacaabo Simon Opolot. Waxaa la sheegay in xerta wadaadku loo sheegay in ay “la kulmi doonaan Ciise masiix” ka dib marka ay soomaan 40 maalmood.Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shaqsiyaad safar masaafo dheer uga soo baxay degmada Serere ee bariga dalka Uganda, si ay u gaaraan Koonfurta dalka Itoobiya, tiradooda ilaa iyo ujeedka socdaalkooda.
Waxaa jira dad sheegaya in shaqsiyaadkaas ay Itoobiya u yimaadeen arrimo diini ah, iyadoo dadka sheegay in safarkaasi uu la xiriiro ka baxsadka qiyaamaha aysan weli dhuuman.
Dhinaca kale dadkan oo si lama filaan ah looga waayay Tuulada Uganda ayaa waxa ay keentay cabsi ah in dadkaasi ay gacanta u galaan qolyaha dadka tahriibiya.
Ciidamada Booliska Uganda ayaa hadda isku dayaya in ay soo qabtaan ninkan oo lagu magacaabo Simon Opolot.Qiyaamaha laga cararayo
Warar hor dhac ah oo ku saabsan safarka shaqsiyaadka ayaa tilmaamaya in ilaa 250 qof oo Uganda u dhashay ay ka carareen maalinta qiyaamaha ayna galeen Itoobiya.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Ambassador Meles Ameldon, ayaa sheegay in boqollaal qof oo reer Uganda ah oo “ka cararaya qiyaamaha” ay soo galeen dalka iyaga oo sii maray gobollada koonfureed ee Itoobiya, haatanna ay ku sugan yihiin deegaanka lagu magacaabo Nangatom.
Marka laga soo tago hadalka safiirka, waxay sidoo kale warbaahinta Uganda si weyn u hadal haysay in socdaalka dadkani uu la xiriiro qiyaama ka cararka.”Sharuuduhu waa inay la kulmaan Ciise Masiix; si ay taasi u dhacdo, waxay ahayd inay joogaan Itoobiya.”
Wakaalada wararka ee AFP ayaa ku warantay in ka dib markii madaxda Itoobiya ay ogaadeen in dad reer Uganda ay galeen Itoobiya bishii November, in la taageero ilaa laga gaarayo shuruudaha ay ugu laabanayaan dalkooda.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Uganda ayaa sheegtay in kooxdan macaliminta ah iyo shaqaalaha rayidka ah ay aad u daaleen ka dib safar dheer oo ay ku tageen dalka Itoobiya iyagoo aan haysan cunto ku filan.
Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qaabka ay shaqsiyaadkaasi ku galeen Itoobiya iyo nooca gaadiid ee ay dib ugu laabteen dalka Uganda.