Home Afsomali Ceeb weyn iyo fashil lunsasho hantiyeed iyoYaa ma leysku dheelaa ?

Ceeb weyn iyo fashil lunsasho hantiyeed iyoYaa ma leysku dheelaa ?

Ceeb weyn iyo fashil lunsasho hantiyeed iyoYaa ma leysku dheelaa ?

Tani MUSUQ dhaaftaye magac kale u bixiya,

Deeqdii hay’adda Maareynta Musiibooyinka SODMA ku sheegtay shixnad Dawo Macawisleyda Hiiraan la gaareiiyay ayaa maanta lagu soo bandhigay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan,

Afartanka kartoon ee 2 diyaarad lagu keenayay Hiiraan ayay xabad xabad u soobandhigeen maamulka waxayna noqdeen agabkii loogu talagalay ka hortaga caabuqa COVID-19 ee sanadii 2020kii loogu deeqay dowlada soomaaliya, kuwaasoo laga soo saaray baqaarada kaydka dawada isbitaal Martiini,

Agabka ayaa ka koobnaa intisa badan gambaluuska bacda ka sameesan ee goobaha caafimaadka laga xirto cudurada faafa si aanu dadka u kala qaadin cudurada halista, ookiyalaha lagu xirto oo noqon karana kuwa dabaasha,

Laba kartoon kanii qalajiye taariiqdiisu 6 bilood ka dhimantahay iyo sharoobada qandhada ayaa qaybaha kore loo soo saaray kartoomada,

Reer hiiraan, dhaawaca u yaala waxa uu u baahanyahay iyo waxa loo keenay ma ahan kuwa la isku barbardhigi Karo waxa ayna noqonaysa arinkaan gef kii ugu waynaa iyo musuq noocii ugu darnaa ee dunida ka dhaca,

Xogtaan muuqaal videos toos looga duubay deeqda ayaan kasoo xigtay.

Gudoomiyaha Hay’adda SODMA maxamuud macalin shalay ka hadlay deeq wareejintas shixnad dawo ah ayuu ku sheegay, wallow gudoomiyaha lagu xanto musuq hadana lama xaqiijin karo in uu ogaa iyo rarka lagu qiyaamay,

Oktoober24

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka – SODMA Mudane Mohamoud Moallim Abdulle oo horay loogu Eedeeyay in uu Musuq-maasuqay Gar-gaarka shacabka loogu tala galay isla markaana uu gacan bidxeeyay dadka ree Hirshabeelle ee dagaalka Khawaarijta kula jira, waxaa maanta fagaare ku yaala degmada Moqokori dhagta dhiiga u daray
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka – SODMA Mudane Mohamoud Moallim Abdulle gar-gaarka ree Hirshabelle lagu tala galay inta uu iibsaday ayuu guryo ku dhistay dhaqaale ayuu ka sameeyay, dhowr Haaf iyo dhowr kartoon oo daawa ah ayuu dadka ku sawiri jiray maanta guddoomiye Muuse Salaad ayaa soo afjaray.

Waa guddoomiyihii gobolka Hiiraan ee ugu horeeyay ee nuuciisa ee isla xisaabtan dhab ah muujiya weliba si geesinimo leh.

Dil iyo dhaawac uu geystay iyo sababta

“Gabar aan Abtigeed ahay ayaa la i dhahay isagaa kufsaday ceebtana cadaabta ayaa ka daran saas ayuu marxuumkaas gacanteyda ugu dhintay”

Eedeysane Maxkamadda ciidanka qalabka sida la horkeenay.

musejisow Jihaan Abuukar hiiraan State Cali Jeyte Hassan Ali Nur Shute Muse Mahmud Jiisow

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.