Home Afsomali CEEL-BUUR WAA CAASIMADA MUGAHIRSHA

CEEL-BUUR WAA CAASIMADA MUGAHIRSHA


Inta badan madaxda soo martay Jamhuuriyada Soomaaliya waxey ku dhasheen ama ka soo jeedaan degaano ka tirsan bartamaha Soomaaliya, madaxdaas qiimaha weyneed waxey kala ahayeen: Mudane Cabdullahi Ciise Maxamud, Mudane Aden Cabdulle Cusman, Mudane Cabdirashid Cali Sharmaarke, Mudane Cabdirisaq Haji Xussen, Mudane Janaraal Maxamed Siyad Barre, Mudane Cali Mahdi Maxamed, Mudane Janaraal Maxamed Faarax Caydiid, Mudane Cabdiqasim Salad Hassan, Mudane Korneyl Cabdullahi Yusuf Axmed, Mudane Cali Gedi Maxamed, Mudane Sharif Sheikh Axmed, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Mudane Xasan Sheikh Maxamud, iyo Mudane Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid). Doodi kama taagna in madaxdaas ay ku wanaagsanayeen dhinacyo badan, dhinacyo kalena ay ka gaabiyeen, laakiin dhamaantood waxa lagu xasuusta in maslaxada guud ee Soomaalida ay dadaal badan u galeen. Dadweynaha ka soo jeeda gobolada dhexe guud ahaan waxaa lagu tilmamaa iney yihiin wadaniyiin daacada oo naftooda, maalkooda, maskaxdooda, iyo muruqoodaba jecel iney u huraan Soomaalinimada.
Maamul-goboleed wanaagiisu waa inuu weyn yahay oo ka kooban yahay degaano kala duwan iyo beelo kala gedisan oo iskudhafan. Maamulka sidaas ku dhisma wuxuu awood u yeelanaya inuu dhaqso u kobco, una muuqdo dal-yare ay ka hirgasho ku dhaqanka qawaaniinta iyo awood-qeybsi salka ku haya wadanoolaasho ay garwadeen ka yihiin aqoonyahanka degaanadaas, iyaga oo kaashanaya madaxda dowlada qaranka. Foolxumada ugu weyn ee ka jirta hamiga dowlad-goboleedka waa marka beel kasta ay si gooniya u raadsato iney degaankeeda u sameyso maamul-goboleed iyaga u gooniya. Hanqaltaagaas wuxuu halis ku yahay isdhexgalka iyo wada-noolashaha Soomaalida. Waxaa qalad laga fahmey xaqa ay Soomaalidu u leedahay in wadanka guud ahaan meeshii ay doonaan ay ku noolaan karaan iyaga oon lagu xirin degaanada ay ku nool yihiin ineysan beel ahaan uga soo jeedin. Marar badan waxaa kuu muuqanaya dareen ka turjumaya in inta badan dadka maskaxdoodu beelnimadu ka guuxeyso inay dhul doon yihiin oo aysan dooneyn dowladnimo ay dadku guud ahaan wadaagaan waxtarkeeda. Haddii la fahmi lahaa qarniga soo socda sida Soomaalida isku bedeleyso, beelaha dhuldoonka ah iskuma mashquuliyeen dhaqanka gaboobey oo gediga laga yahay. Dhulku waa dhaxalka guud ee dadweynaha, waxaana maamulkeeda iska leh dowlada degaanka iyo tan wadanka.Gobol kasta oo ka mida Soomaaliya wuxuu awood u leeyahay iney ku noolaadaan qiyaasta dadweyne dhan 30 malyan. Soomaalida dhul la,aan ma heyso waxase haysata dad yari iyo saboolnimo, wuxuuna koboc dhaqaale iyo horumar tayo leh u ka curataa dowladnimo wanaagsan oo ka dhaqan gasha heer maamul-gobol iyo mid qaran.
Gobolada Dhexe oo ku yaala bartamaha Soomaaliya waxey ka kooban yihiin afar gobol oo mug weyn, kuwaas oo kala ah Mudug, Galgaduud, Hiiraan, iyo Shabeele. Dhaqan ahaan marka magac loo bixinayo deegaan waxaa lagu samiyaaa halyey qaran oo caana ama dabeecada degaanka ayaa loogu magacdara. Soomaalida maanta waa ka duwan tahay kuwii ku noola wadanka Soomaalida wakhtigii hore. Wadaniyiinta maanta ku nool dalka waxaa ka dhex jira tuhun weyn oo ka dhashay dagaaladii ay oogeen madaxdii dowladii dhacday iyo jabhadihii hubeysnaa. Magac bixinta maanta waa ka daldalool raadin badan tahay tii berigii hore. Cid walba oo si qalbisamiya u soo jeedisa magac bixin guud waxey la kulmeysa diidmo xoogan, iyadoo dadka inta badan ay ka fiirfiirinayaan wax u xaglinaya degaan gaara ama beel gaar ah. Aniga oo aan hilmaamsaneyn jikaarka dhinac walba ka imaan kara ayaan soo jeediyey magacbixinta maamul-goboleed ay ku bahoobi karaan gobolada ku yaal bartamaha Soomaaliya. Magaca MUGAHIRSHA wuxuu ka curtay labada xarfood ee ugu horeeya magacyadii dowladahii hore ay u bixiyeen afarta gobol oo ay ka kooban tahay gobolada dhexe.
Midowga gobolada dhexe wuxuu u baahan yahay magaalo-madax ku taala meel u dhaxeysa goboladaas. CEELBUUR waa magaalo jiritaankeedu facweynyahay oo ka durugsan xadka Soomaaliya ay la wadaagto Soomaalida Galbeed oo lagu tolay wadanka Itoobiya. Magaaladaas waa hoyga halyeyga caanka ah ee XALANE iyo CILMINUUR oo labaduba dagaalkii 1964 u halgamey difaaca Jamhuuriyada Soomaaliya. Magaladaas waxaa qiimo jab weyn ku dhaliyey maamulkii gumeysiga Talyaaniga oo sarkaal sare magaaladaas looga diley kadibna kala dagaalamay iney magaaladaas kobocdo, wuxuuna magaaladaas bedelkeeda xaruun ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb oo dowladii milateriga ay u dalacsiisay magaalo-madaxda gobolka Galgaduud.
MUGAHIRSHA haddii ay ku guuleysato iney noqoto maamul-goboleed ay dowlada dhexe aqoonsato waxaa dhexdeeda ka abuurmi kara ilaa 20 gobol oo isku dheelitiran. Dhulna iskama dhismo ee waxa dhisa dadka, koboca dhaqaalana waxaa dhaliya dad badan oo wada dega. Midowga goboladaas waxey danta maamul-hosaadkeeda ku jirta Soomaalida jecel maamul-wanaaga iney kala qeyb-qataan dhismaha dowlad-goboleedka si ay wax ula wadaagaan dadka wakhtiga dheer horay ugu noola degaanka. Waxaan aaminsanahay dadku inuu socod u joog yahay, degaankuna uu dad doon yahay oo ay ka munaafacsanayaan marba dadka ku nool. MUGAHIRSHA waa hoyga hogaamiyeyaasha Soomaalida, CEEL-BUURNA waa caasimadeeda lama huraanka ah.

Dr. Saciid Ciise Maxamud
Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
saciidciise258@aol.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here