Home Afsomali cidii daganeyd oo la ogaaday Guri kuyaalla magaalada Muqdisho oo qaraxyo lagu...

cidii daganeyd oo la ogaaday Guri kuyaalla magaalada Muqdisho oo qaraxyo lagu weeraray 

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah gobolka Banaadir, qaraxan ayaana si gaar ah uga dhacay meel ku dhaw xerada gaadiidka ciidanka booliiska ee kuyaalla degmada Cabdicasiis.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa ahaa miino lagu xiray guri kuyaalla degmada Cabsicasiis, guriga qaraxa lagu xiray ayaana la sheegay in uu lahaa sargaal katirsan dowladda Soomaaliya.

Lama oo sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay qaraxa miino ee lagu xiray guriga kuyaalla degmada Cabdicasiis, waxaana la sheegay xilliga uu qaraxa dhacayay in uu guriga ka maqnaa sargaalkii deganaa.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan ka dhacay degmada Cabdicasiis, waxaana horey qaraxyo nuucaan ah oo guryo lagu xiray uga dhaceen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.