Home Afsomali Ciidamada Ahlu suna oo duqeeyey kuwa Galmudug ee jooga agagaarka Guriceel

Ciidamada Ahlu suna oo duqeeyey kuwa Galmudug ee jooga agagaarka Guriceel

Ciidamada Ahlu Sunna ee maamula degmada Guriceel ayaa la soo sheegayaa iney Madaafiic ku garaaceen fariisimo ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ka sameysteen hareeraha degmadaas

Goob joogayaal ku sugan degmada Guriceel ayaa ku waramay iney maqleen dhawaqa tiro madaafiic ah oo Ahlu Sunna ku riday fariisimaha ciidamada soo degay hareeraha degmada.

Weli ma cadda inuu jiro khasaare ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug ka soo gaaray duqeyntaas, welina labada dhinac kama hadlin duqeyntaas.

Dhammaan dadaaladii lagu doonayey in lagu joojiyo dagaal ka dhaca Magaalada Guriceel ayaa fashil ku dhamaaday ka dib markii ahlu suna ay diiday iney baneyso degmada Guriceel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.