Home Afsomali Ciidamada amaanka dayniile oo toogasho ku dilay laba nin midna nolosha...

Ciidamada amaanka dayniile oo toogasho ku dilay laba nin midna nolosha ku qabtay

Ciidamada amaanka degmada Dayniile ka howlgala ayaa saakay xaafada Gubta gaar ahaan halka loo yaqaan Sombak waxa ay ku dileen labo nin oo burcad hubeesan halka mid sadexaadna gacanta ku dhigeen.

Sida aan wararka ku helnay burcada hubeesan oo watay mooto nuuca loo yaqaan Fekon ayaa isku dayay in ay baxsadaan , waxa ayna dagaal la galeen ciidamada amaanka Dayniile taas oo keentay in labo kamid ah la dilo.

Meydadka labada nin ee la dilay ayaa in mudo ah yaalay goobta lagu dilay, waxaana goobta ragaasi hubeesnaa lagu dilay isugu soo baxay dad badan oo qaarkood sheegeen in ay telfoono kasoo dhaceen.

Ciidamada booliiska saldhiga Dayniile ayaana lagu wareejiyay meydadka burcada la dilay iyo moobeeladii ay soo dhaceen, waxa ay sidoo kale ciidamada xireen ninkii kale ee burcada katirsanaa ee la qabtay.

Buracada hubeesan oo inta badan adeegsada mootooyinka bajaajta iyo Fekon ayaa dhibaato ku haya shacabka ku dhaqan xaafado katirsan Muqdisho, burcadan ayaana dadka dhaca xilida habeenkii iyo salaada subax kadib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.