Home Afsomali Full VIDEO Ciidamada amaanka oo ku guuleystay in ay gacanta ku soo...

Full VIDEO Ciidamada amaanka oo ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan hooyadii Caruurta siisay shiishada

Ciidamada ammaanka ayaa howlgal gaar ah ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo xireen hooyo labo gabdhood oo ay dhashay siisay maandooriyaha loo yaqaan shiishada kadibna muuqaal ka duubtay.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay muuqaal ay hooyadan kasoo duubtay labo gabar yar yar oo ay dhashay oo cabaya shiishad lagu daray xashiish, waxaana muuqaalkan caro ka muujiyay dadkii daawaday oo ku baaqay in lasoo qabto hooyadan caruurtaasi.

Ciidamada ammaanka ayaana ku guuleestay in ay helaan xogta hooyadan iyo halka ay degan tahay, waxa ayna xabsiga dhigeen hooyada gabdhaheeda siisay shiishada kadibna muuqaalka argagaxa lahaa ka duubtay.

Maxaa kuu dhinanoo lagu tusaa Boga iyo beer kaa I balbalaa istiinka maa leygu nacaa WAA MUUQAAL NAXDIN LEH SUBXAANALAAH

Waxaan maalmahan aad ula yaabanaa oo aan ka qoomameynayey dhaqan xumada iyo baadida ay ku suganyihiin Jiilka soomaaliyeed ee hadda soo karaya ,

Ayadoo mudooyinkaan danbe aad u soo batey isticmaalka daraagiska noocyadiisa kala duwan wiil iyo gabarba ayadoo taasi ay jirto ayaa caawa waxaan daawadey muuqaalkaan naxdinta leh .

waxaan bulshada Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in dadka Caruurtaan inta ay shiishad u shideen sidaas ula dhaqmey in hay’adaha amniga iyo wasaaradda diinta iyo Awqaafta arinkaan baaritaan ku sameeyaan si dadka dambiga galey loo horkeeno Maxkamad Runtii wax Indhaha laga qarsan kara ma ahan .

Linkigaan hoose ka daawo Muuqaalka oo dhameystiran

https://fb.watch/aKsAVH6BKi/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.