Home Afsomali Ciidamada amaanka oo seybiyaano ku qarxiyey gaar ay uga shakiyeen in uu...

Ciidamada amaanka oo seybiyaano ku qarxiyey gaar ay uga shakiyeen in uu miineysnaa

Gaariga ayaa ka yimid Duleedka Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku soo jeeday Magaalada Muqdisho, balse Bartakontorool ee halkaasi u taalla ayaa lagu joojiyay.

Ciidamada ayaa marka hore gaariga ka shakiyay, waxayna uga digeen shacabka in ay u dhawaadaan, ciidamada oo ku howlan in ay xiraan wadada ciidamada ayaa marqura gaariga qarxiyey.

Kahor inta uusan qaraxa dhicin ayaa Ciidamada waxa ay rideen rasaas ay ku kala eryanayeen dadka shacabka ah, si dadka aysan halkaasi ugu soo dhawaan.

Wariyeyaal goobta ka akdhawaa ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in qaraxan ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah iyo Ciidamo ku sugnaa Bartakontorool.

Askari ayaa dilay sadax Ka mid ahaa kooxdii wadatay gaariga weerarka geytay Ka dibna wuxuu Ka mid noday dsdkii Ku geeriyooday qaraxa gaariga

Gaadiidka gargaarka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa ku sii qulqulaya goobta uu qaraxa ka dhacay, Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale tagay goobta.

Duhurnimadan ayay aheyd markii qarax gaari uu ka dhacay wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Nabad Sugidda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.