Home Afsomali Ciidamada AMISOM oo diiday in gaadiidkoodu maro isgyska oto oto ilaa isgoyska...

Ciidamada AMISOM oo diiday in gaadiidkoodu maro isgyska oto oto ilaa isgoyska ispitalka Banaadir

 

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Soo Saaray Amar Looga Mamnuucayo Maridda Gaadiidka Ciidanka AMISOM wadadada Makka- Almukarama.

Amarkaan Oo Ka Bilaabanaya Maanta ayaa lagu sheegay in Isgooska Sayidka (Oto-Oto) Laga Bilaabo Saacadaha 6:00 Subaxnimo Ilaa 12:00 Habeenimo aysan Marin karin Ciidamada AMISOM.

Talaabadaan looga Mamnuucay AMISOM ayaa lagu sheegay in ay Tahay cabasho ka imaaday Shacabka iyo Laamaha Aminga oo codsiya soo jeediyay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka
Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi
Maxamed ayaa soo saaray wareegto uu ku
magacaabay Golaha Amniga Gobolka Banaadir,
kuwaasoo waajibaadkooda shaqo uu noqonayo
sugida amniga iyo xasiloonida Caasimada
Muqdisho.
Guddigan ayaa waxaa Guddoomiye u ah
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi
Maxamed, waxaana xubin ka ah.
1- Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka
Banaadir ee dhinaca Amniga
2- Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir
3- Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka
4- Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska
5- Taliyaha Nabadsugida
6- Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada
Xoogga dalka
7- Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Golaha Amniga ayaa waxay isku duwi doonaan
howlaha hey’adaha Amniga Gobolka Banaadir,
isla markaana si toos ah Amniga Gobolka
Banaadir uga shaqeyn doonaan.

Darawalada kaxeeya gaadiidka ciidamada midowga africa ee AMISOM intooda badan ayaa ah kuwa wadida gaadiidka ku barbarta gudaha dalka soomaaliya



 

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.