Home Afsomali Ciidamada Cirka ee Kenya oo weli Duqeymo ka Geysanaya Qeybo ka tirsan...

Ciidamada Cirka ee Kenya oo weli Duqeymo ka Geysanaya Qeybo ka tirsan Gobolada Koofurta Soomaaliya

Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya, ayaa duqeeyay saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose ee Koofurta Soomaaliya.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Kaanjaroon oo qiyaastii 60km koonfur ka xiga Magaalladda Kismaayo.

Sidoo kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in diyaaradaha ay duqeeyeen deegaanka Beer-naas, oo 60km u jira Magaalladda Kismaayo.

Deegaannada ayaa waxaa maamulla Xarakadda Al Shabaab, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana jiraan war ka soo baxay Xarakadda Al Shabaab ee Soomaaliya.

Al shabaab ayaa ku xooggan qeybo ka mid ah Jubbooyinka, waxaana dhawaan dagaal xooggan oo u dhexeeya Al Shabaab iyo ciidanka Kenya uu ka dhacay deegaanka Kudhaa.

Saraakiisha dowladda Kenya, waxaa ay sheegeen in howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-waaq ee gobolka Gedo ku dileen 15 ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay militariga dowladda Kenya oo lagu magacaabo Col. Joseph Owuoth ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ay dileen dagaalyahanada Al Shabaab ka tirsan.

Col. Joseph ayaa intaa ku darray in sidoo kale howlgalka lagu bur-buriyay gawaari iyo hub ay adeegsanayeen xoogagga Al-shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa inta badan howlgalo joogta ka sameeya deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay ku xoogan yihiin xarrakada Al-shabaab.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.