Home Afsomali Ciidamada dani  oo gacanta ku dhigay mid ka mid ah raggii dilka...

Ciidamada dani  oo gacanta ku dhigay mid ka mid ah raggii dilka ka geystay Gaalkacyo

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka sameeyey waqooyiga magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, kadib markii xalay gudaha magaaladaasi lagu dilay, marxuum Cumar Maxamed Samatar oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada maamulkaasi.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa marxuumka loo geystay, xilli uu kusii jeeday gurigiisa, iyada oo ay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyey.

Ciidamada amniga Puntland oo goobta tegay ayaa sameeyey howl-gallo, waxaana saraakiisha horkaceysay baaritaanadaasi ay shaaciyeen in gacanta lagu soo dhigay mid ka mid ah raggii ka dambeeyey toogashada, iyaga oo sheegay in lagu raad-joogo kuwii kale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay howl-galladu sii socon doonaan, inta laga xaqiijinay ammaanka xaafadaha ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha Gaalkacyo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood sheegatay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.