Ciidanka xoogga Dalka , gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad ee guutada 14-October ayaa howlgallo xoogan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay saaadihii la soo dhaafay ka fuliyeen degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha Ururka 84-aad, guutada 14October Laba xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka hogaaminayay ayaa Warbahinta dowladda u sheegay inay Ciidamada Al-Shabaab kala wareegeen tuulooyinka Cabananey, Beeraha baay, Siigaale, Malable iyo Buulo Aruundi oo dhamaantood hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamada ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen Xubnihii katirsanaa Al-Shabaab ee ku sugnaa tuulooyinka ay howlgalka ka sameeyeen, Isla markaana ay gubeen doon ay Al-Shabaab u adeegsan-jirtay dhibaateynta shacabka labada dhinac ee wabiga kala daggan oo ay uga kala gudbi jireen.
Taliyaha Ururka 84-aad, guutada 14October Laba xidigle Cali Mahdi Beerdiide ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka intuu socday inay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddo isku xirta deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale oo ay doonayeen inay shacabka ku dhibaateeyaan sida uu hadalka u dhigay.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kamid yahay Gobolada ay inta badan Ciidamada dowladda ay howlgallada ka sameeyaan, hayeeshee waxaa sidoo kale ka dhaca weeraro ay geystaan Ururka Al-Shabaab.