Home Afsomali Ciidamada dowladda oo gobolka Galgaduud ku dilay horjooge katirsan kooxda Ashabaab

Ciidamada dowladda oo gobolka Galgaduud ku dilay horjooge katirsan kooxda Ashabaab

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Shiikh Cabdullaahi ee degmada Ceeldheer  ku dilay  horjoogayaal ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Maydka horjoogo lagu magacaabo Cabdifitaax Xasan Gaafow ayay ciidamadu soo badhigayeen, kaasoo ay sheegeen inuu caan ku ahaa dhibaataynta shacabka.
Sarkaal lagu magacaabo Daauud Gacmey oo katirsan saraakiisha howlgalladan hoggaaminayay ayaa sheegay inay Alshabaab ka furteen hub iyo saanad ciidan oo kale. Wuxuu sheegay inay uga daba tageen howdka si looga hortago inay sameeyaan is arursi.

Sarkaalkan ayaa sheegay intii uu howlgalkan uu socday inay ciidamadu xoreeyeen illaa dhowr tuulo oo hoos yimaada degmada Ceeldheere ee dhawaan la xoreeyay, wuxuuna sheegay inay ciidamadu ku raad joogaan Shabaabkii u cararay dhinaca howdka.

48 saac ee lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgallo culus sameeyay iyagoo ku qaarajiyay tiro badan oo Shabaab ah.

Ciidanka dowladda ayaa hadda isku diyaarinaya xoraynta degmada Ceelbuur oo ah degmada kaliya ee muhiimka ah ee Shabaab ku sugan yihiin, waxaana la sheegay inay ciidamadu dhowr jiho kasoo galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.