Home Afsomali Ciidamada Galmudug oo weeraray degaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada Galmudug oo weeraray degaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

 

Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Galmudug inay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa VOA  u sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba ka mid ah Xubnihii Al-Shaaab ee ku sugnaa deegaanka Baruujeed oo hoostaga degmada Ceelbuur.

Faah faahin dheeri ah weli lagama helin khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalka degaanka Baruujeed ku dhexmaray Ciidamada Galmudug & Al-Shabaab marka laga reebo sheegashada Maamulka degmada Ceelbuur ee ah dilka laba Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug  ayaa waxa ay u sheegeen in hawlgallo ka dhan ah  AlShabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan Galgaduud si Al-Shabaab looga saaro degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.