Home Afsomali Ciidamada Itoobiya oo dagaal ku qabsaday Wado Muhiim ah oo isku xirta...

Ciidamada Itoobiya oo dagaal ku qabsaday Wado Muhiim ah oo isku xirta Waldiya iyo Maqale

Ciidamada federaalka Itoobiya oo dagaal qaraar la galay xoogaga TPLF ayaa la wareegay magaalooyin muhiim ah oo horey gacanta ugu hayeen TPLF, waxa ayna ciidamada federaalka doonayaan in ay go’doomiyaan xoogaga kasoo horjeeda.

Warbaahinta dowlada Itoobiya ayaa baahisay in ciidamada Federaalka ay qabsadeen waddada halbowlaha ah ee isku xirta magaalooyinka Waldiya iyo Maqale, qabsashada wadaddan muhiimka ah ayaana timid kadib dagaal culus oo labada dhinac dhax maray.

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa sidoo kale ka qabsaday xoogaga TPLF goobo badan ay kamid yihiin buuraha silsiladda ee Zoble oo iyo mgaalooyinka ku hareereysan sida Orjo, Fokiso iyo Booran.

Xoogaga TPLF ayaa isku dayay in ya difaacdaan wadadan halboolaha u ah , hasa ahaatee weeraro culus ay ku jiraan dhinaca cirka ayaa ku qasbay in TPLF ka baxaan wadadan iyo goobo kale.

Qabsashada wadadan isku xirta magaalooyinka Waldiya iyo Maqale ayaa go’doomineysa ciidamada TPLF ee ku sugan gobolka Amxaarada, waxaana wadadan ciidankaasi usoo mari jiray gurmadka iyo saanadaha milatari.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF ayaa galay waji cusub, ciidamada federaalka ayaana dagaalka hada socda guulo badan ka gaaray kuna qabsaday dhul badan oo horey TPLF ula wareegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.