Home Afsomali Ciidamada Kenya AMISOM oo laga joojiyey howshii ay ka hayeen garoonka Kismaayo

Ciidamada Kenya AMISOM oo laga joojiyey howshii ay ka hayeen garoonka Kismaayo

Ciidamadii Kenya oo iskaga baxay Garoonka Kismaayo iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay

Goobo badan oo ugu horeeyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa gabi ahaanba iskaga baxay Ciidamada Kenya ee ka socday Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo mudo ku sugnaa xarumahaasi.

Ciidamadamo ka socda Itoobiya oo iyaguna ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay goobihii ay baneeyeen Ciidamada Kenya, kuwaas oo hada sugaya amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in amarka ay ku baxeen Ciidamada Kenya uu ka soo baxay Saraakiisha Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, isla markaana la doonayo in gabi ahaanba gobolka Jubbada Hoose laga saaro Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM.

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee la wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay kulan la qaateen Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo kala hadlay sugida Ammaanka xarumaha ay la wareegeen iyo Garoonka oo ka mid ah goobaha ay gacanta ku hayaan in si nabad ah ay uga soo dagi karaan laguna soo dhowey karo musharixiinta Madaxweynaha ee maamulka Jubbaland.

Saraakiisha ugu sareysa Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la sheegayaa in ay  ku wajahanyihiin Magaalada Kismaayo waxaana lagu wadaa in ay kulamo la qaataan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.