Home Afsomali Ciidamada Kenya ee Xooga Ku jooga Gudaha ciida Soomaaliya ayaa si ula...

Ciidamada Kenya ee Xooga Ku jooga Gudaha ciida Soomaaliya ayaa si ula kac ah dab u qabadsiiyey Xarunta Shirkada Isgaariinta Hormuud ay ku laheyd deegaanka Khadiijo Xaaji ee gobolka ……

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay gubeen xarun Isgaarsiin oo ku taal deegaanka Khadiijo Xaaji oo u dhaxeysa degmooyinka Beledxaawo iyo Ceel Waaq.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xarunta la gubay ay ku taalay anteenada shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha Isgaarsiin ee ugu weyn Soomaaliya.

Ciidamada Kenya oo ku hubeysnaa gaadiidka gaashaaman ayaa gudaha u galay xaruntan, iyagoo markii dambe dab qabadsiiyay, waxaana halkaas ku basbeelay dhismihii xaruntan iyo qalabkii yaalay.

Shaqaalaha ka howl galayay xaruntan isgaarsiin ee ku taalay deegaanka Khadiijo Xaaji ayaa la sheegay inay ka carareen, ka hor inta aan la gubin.

Mas’uuliyiin ka tirsan Shirkadda Hormuud ayaa xaqiijiyay in xaruntooda la gubay, balse ma aanay bixin faah faahin dheeri ah oo ku aadan sababta dabka loo qabadsiiyay.

Lama oga illaa iyo hada sababaha ka dambeeyay in dab la qabadsiiyo xaruntan, waxaana falkan uu noqonayaa kii u horeeyay oo shirkad isgaarsiin ka howl gasha Soomaaliya lagula dhaqaaqo.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer bur buriyay anteenooyinka shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee dalka Kenya ku laheyd deegaanada xuduuda u dhow.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.