Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in isku-dhacyo udhaxeeya Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya uu ka dhacay Xadduuda Soomaaliya iyo Kenya ee degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo.
Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in isku-dhaca uu yimid kadib markii Ciidamada Kenya ay weerarayn Ciidamo ka tirsan Kuwa Soomaaliya oo ku sugnaa Gudaha Ceel-waaq ee Soomaaliya, Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay.
Qaar ka mid ah Waxay sheegeyn in Ciidamada Kenya ay weerarayn Dhalinyaro ka mid ah Ciidamada Soomaaliya, balse muddooyinkii dambe noqday Maleeshiyo Beeleed ka goostay Ciidanka xoogga oo meel xadduuda u dhaw saldhig ka dhigtay.
Qaar kale oo ka mid ah Ciidamada Xoogga iyo Saraakiisha gobalka Gedo ayaa xaqiijiyay in saakay xili hore ay Milatariga Kenya weerar ka soo qaadayn Ceel-waaq kenya xili aysan kawar qabin kuwa Soomaaliya.
Iaku dhaca dhaxeeyay Labada Ciidan ayaa ahaa mid la filayey waxaana jiray dhaqdhaqaaq ay xaduuda ku balaarsanayeen ciidanka kenya
Lama oga ilaa khasaaraha ka dhashay, balse waxaa jira Khasaaro soo gaaray Labada dhinac.