Home Afsomali Ciidamada Kumaandooska Danab oo la geeyey goobihii ay ku dagaalameen Alshabaab iyo...

Ciidamada Kumaandooska Danab oo la geeyey goobihii ay ku dagaalameen Alshabaab iyo dadka deegaanka Shabeellow Ee gobolka Mudug

Ciidamada Kumaandooska Danab ee xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa gaaray Deegaanka Shabeelow Ee Gobolka Mudug halkaas oo dhawaan dadka deegaanku kula dagaalameen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa ka amba baxay Deegaanka Dhagaxleey oo Qiyaastii 20 KM u Jirra Shabeelow, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay degaanka Shabeelow ay isaga baxeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Dowladda & dadka degaanka ee la dagaalamay Al-Shabaab ay degaanka Shabeelow ka wadaan howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaqiijinayo.

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in ay howlgalka ay sii wadi doonaan ilaa degaannada Galmudug ay ka saaraan Ururka Al-Shabaab.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan ugu dagaalamay degaanka Shabeelow Ee Gobolka Mudug, kadib markii Al-Shabaab ay degaankaasi weerareen,waxaana dagaalkii ka dhacay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.