Home Afsomali Ciidamada liyuu Boolis oo xir xiray Dhalinyaro & Ganacsato kasoo jeeda degaannada...

Ciidamada liyuu Boolis oo xir xiray Dhalinyaro & Ganacsato kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed

 

Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis ayaa dad farabadan oo isugu jira dhalinyaro iyo Ganacsato kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed waxaa ay ku xir xireen Magaalada Wardheer ee Gobolka doollo ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dadkaan ayaa laamaha Amniga Gobolka Doollo ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan sababta loo xiray xiray balse qaar kamid ah Ehellada dadkaas ayaa sheegay in lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab ee dhawaan weeraray gobolka Doolllo ee dowlad degaanka Soomaalida.

Magaalada Wardheer ee dadka lagu xir xiray ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida iyo Maamul millateri ah, waxana goobjoogayaal ay sheegeen in xariga dadka Shacabka uu socday maalmihii la soo dhaafay.

Dhawaan ayaa Saraakiisha Ciidamada liyuu Boolis waxaa ay soo bandhigeen muuqaalada Xubno kamid ah ururka Al-Shabaab  ee weeraray dhulka dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo sheeganayay inay kasoo jeedaan degaannada Koonfur Galbeed.

Xarigaan Ciidamada liyuu Boolis ay ugu geysteen Magaalada Wardheer ee dowlad degaanka Soomaalida Ganacsatada & dhalinyarada kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu booqasho ku tegay Magaalada Jigjiga, isaga oo dhiggiisa dowlad degaanka Mustafe Muxumed Cagjar kala hadlay iskaashi la xiriira la-dagaalanka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.