Home Afsomali Ciidamada Macawiisleyda Shabeellaha Dhexe oo weli dagaalka u caaboon

Ciidamada Macawiisleyda Shabeellaha Dhexe oo weli dagaalka u caaboon

Ciidamada dib u xoreynta degaanka ee la magac baxay Macawiisleyda ayaa sheegay inay xilligaan diyaar u yihiin inay laba jibaaraan howlgalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaar kamid ah Taliyeyaasha Ciidamada Macawiisleyda Gobolka Shabeellaha Dhexe oo degaanka Biyo-Cadde kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe & Xildhibaan katirsan golaha Shacabka ayaa sheegay in ay si iskood ah u go’aansaden dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa ay sheegeen in iyaga oo fulinaya amarkii kasoo baxay madaxweynaha ee ahaa in daaal adag lala galo Al-Shabaab ay sidaasi ku bilaabeen, isla markaana aysan joojin doonin ilaa ay ka xorreeyaan degaananda iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabellaha Dhexe waxa ka socday abaabul iyo dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay wadeen Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.