Home Afsomali Ciidamada mareykanka oo fashiliyey gacntana ku dhigay 3 nin oo qarexin rabey...

Ciidamada mareykanka oo fashiliyey gacntana ku dhigay 3 nin oo qarexin rabey dhismo ay ka Daganaayeen Magaalada Curtis Allen qoysas somali mareykan ah

qarxiyayaal

Ciidaanka FBI-da Mareykanka ayaa gacanta ku dhigtay saddex nin oo qorsheynayay in weerar bam ku qaadaan dhisme ay Soomaali badan ka degan yihiin Gobolka Kansas ee dalka Mareykanka.

Saddexda nin ayaa lagu kala magacaabaa Curtis Allen oo 49 jir ah, Gavin Wright oo 49 jir ah iyo Patrick Eugene Stein 47, waxaana raggan lagu qabtay hub gacmeed iyo qaraxyo ay u adeegsadaan weerarkooda.

Raggan ayaa ka tirsanaa koox maleeshiyo oo la mamnuucay laguna magacaabo “The Crusaders”, waxaana bartilmaameedkooda ahaa deegaanka Garden City oo ay degan yihiin illaa 120 qoys Soomaali ah.

Dhismaha ay degan yihiin Soomaalida ayaa waxaa ku yaala masaajid weyn, waxaana raggan ay diyaarinayeen in illaa afar qarax oo lagu diyaariyay goobta la dhigto baabuurta iyo hareeraha dhismaha.

Kooxdaan, ayaa qorsheynayay inay weerarkooda qaadaan 9-ka bisha November, maalin kadib marka ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Mareykanka.

FBI ayaa muddo 8 bilood baadigoobeysay raggan caddaanka ah ee diyaarinayay weerar lagu hoobta oo lagu qaado Soomaalida degan Gobolka Kansas ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa waxaa bilooyinkii la soo dhaafay ka dhacayay weeraro lagu dilay dad badan, waxaana kii ugu dambeeyay ee ugu dhimashada badnaa uu ahaa weerarkii bishii Ramadaan ee tagtay lagu qaaday Goob ay ku caweeyaan dadka loo yaqaano Guy, halkaasoo lagu dilay illaa 50 ruux waqti yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.