Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laas=Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka halkaasi ay la wareegeen Ciidamo katirsan kuwa Maamulka Puntland kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Somaliland.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay degaanka Tukaraq ay isaga baxeen Ciidamada Somaliland si aysan go’doon ugu noqon degaanka maadaama Ciidamada degaanka ee ka dagaalamaya Laas-Caanood ay la wareegeen inta badan wadada u dhaxeeysa degaanka Tukaraq & Magaalada Laas-Caanood
Ciidamada Somaliland ee ku sugnaa Tukarraq ayaa xalay qeyb kamid ah u guuray dhinaca saldhigga Goojacadde oo 7 km u jira Magaalada Laaacaanood, waxaana degaanka Tukaraq isku fidiyay Ciidamo farabadan oo ka tegay dhinaca Magaalada Garoowe.
Xildhibaannada kala ah Cabdi Warsame Qowdhan iyo Xildhibaan Cali Yusuf Cali (Xoosh) oo katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa booqday fariisimihii Ciidamada Somaliland, iyaga oo sheegay in si nabad ah lagula wareegay degaanka.
La wareegitaanka Ciidamada Puntland ee degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa kusoo aadeysa xilli todobaadyadii la soo dhaafay dagaalo xoogan ay ka socdeen duleedka magaalada Laas-Caanood, kuwaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka degaanka.