Home Afsomali Ciidamada Somaliland oo la sheegay inay ka baxeen degaannadii lagu dagaalamay

Ciidamada Somaliland oo la sheegay inay ka baxeen degaannadii lagu dagaalamay

Wararka laga helayo Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay saqdii dhexe ay Ciidamada Somaliland isaga baxeen degaannada maalmihii lasoo dhaafay dagaalo xoogan ka dhacayeen.

Shalay subaxdii  hore ayaa duleedka magaalada Laas-Caanood waxaa ka dhacay dagaal aad u xooganaa kaas oo keenay in Ciidamada degaanka ay la wareegaan degaano ay ku sugnaayeen Ciidamada Somaliland gaar ahaan buuraha kudhaw guriga gobalka oo difaac xoogan ahaa iyo Waqooyiga Galbeedka magaalada.

Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Laas-Caanood ayaa sheegaya in dhinacyada ay weli kujiraan diyaar garoow iyo dhaq dhaqaaq Ciidan, isla markaana markasta la filan karo inay dagaalamaan, waxaana degaannada kuyaalla duleedka Laas-Caanood, isaga barakacay dadkii deganaa.

Baaqyo kala duwan ayaa ka imaanaya dowladaaha Caalamka, balse ay u muuqataa in dhinacyadu ysan u hoggaansameyn, waxaana Ciidamada degaanka ay dalbanayaan in dagaalka ay ku joojin karaan kaliya in Ciidamada Somaliland ka baxaan Gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.