Ciidamada xoogga dalka ee Danab, Nabad sugidda iyo daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo culus ka fuliyey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada ayaa intii ay howlgalkaas ku jireen waxay burburiyeen goobo ay fariisima ku lahaayen Shabaab iyo qaraxyo miinooyin ah oo shacabka adeegsada wadooyinka ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan. Deegaanada ay ciidamadu ku baacsadeen Khawaarijta ayaa kala ah, Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag-libaax iyo deegaano kale dhamaantood ka tirsan Jubbada Hoose, wuxuuna howlgalkaan saameeyey dhul dhan 120 KM, sida ay saraakiishu u sheegeen warbaahinta.