Home Afsomali Ciidamadda Amaanka oo dagaal socday 2 saacadood ku so afjaray Weerarka Xarumaha...

Ciidamadda Amaanka oo dagaal socday 2 saacadood ku so afjaray Weerarka Xarumaha Wazaaradaha Arimaha Gudaha Iyo Amniga. ( DAAWO SAWIRADA )

Ciidamadda Amaanka ayaa dilay dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo weerar ku qaaday Dhismaha ay daganyihiin Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Amaanka ee Xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya. sidoo kale xarunta waxaa ku yaala Isgaar siinta Booliiska.

Weerarkaan oo ay Al-shabaab sheegteen waxaa uu ku Bilowday Qarax gaari loo adeegsaday, waxaana xigay rasaas xoog leh oo ay isweeydaarsadeen Ciidamadda Amaanka iyo Dagaalamayaasha Al-shabaab, Daqiiqado kadib waxaa Isgoyska Sayidka ku qarxay gaari kale oo lasheegay in uu ahaa kii ay ka dageen Dagaalamayaasha Weerarka toos ka ah qaaday.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ee weerarka qaaday waxaa tiradooda lagu sheegay Afar Nin, mid ka mid ah waxaa uu waday gariga is qarxiyay halka Sadaxda kalena ay Ciidamadu ku dileen gudaha dhismaha, sidaas waxaa  xaqiijiyay Saraakiil Dowladda ka tirsan.

Waxaa hadda dhismaha gudihiisa ka socda Howlgal hubin ah oo ay Ciidamaddu wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.