Home Afsomali Ciidamadii la geeyay Gaalkacyo oo howlgallo ka bilaabay meelo kamid ah Gobolka...

Ciidamadii la geeyay Gaalkacyo oo howlgallo ka bilaabay meelo kamid ah Gobolka Mudug

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo hab beeleed u abaabulan ayaa gaaray Magalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyada oo ujeedka lagu sheegay in ay howgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ay ka bilaabi doonaan degaannada ay Gobolka Mudug kaga sugan yihiin.

Ciidamada ayaa waxaa Magalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay madax ka tirsan Maamulka Gamudug iyo Odoyaasha Dhaqanka, waxaana ay sheegeen in soo dhaweynayaan kuna faraxsan yihiin Cidamadan inay xureystaan degaannadooda.

Dhanka kale saraakiisha hoggaamineysan Ciidanka ayaa dhankooda sheegay in ka go ‘antahay ka xureynta Ururka Al-Shabaab degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Mudug oo ay kamid tahay degmada xarardheere oo Al-Shabaab ay ku sugan yihin mudo 15 ah.

Qeybo badan oo kamid ah Gobolka Mudug ayaa waxaa horay uga dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka iyo Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada huwanta ah ay degaano dhowr ah la wareegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.