Home Afsomali Ciidamo beeleyd hubeysan oo ka dagaalamaya qeybo ka mid ah Somaliland

Ciidamo beeleyd hubeysan oo ka dagaalamaya qeybo ka mid ah Somaliland

Maamulkdagaaa Gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa faah faahin ka bixiyay iska hor-imaad khasaaro dhaliyay oo ka dhacay duleedka Magaaada Booraama, kaas oo lagu dilay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliland.

Iska hor-imaadka ayaa ka dambeeyay, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamo ku sugna Bar-koontorool oo ku taalla duleedka Magaalada Boorama, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay in Ciidamada ay ka warheleen maleeshiyaad isku aruursanayayay duleedka Boorama, hayeeshee markii Ciidamada ku baxeen ay dagaal kala hor yimaadeen.

Waxaa uu sheegay in dagaal kooban oo ka dhacay Bariga Magaalada Boorama uu ku geeriyooday hal askari halka laba kale ay ku dhaawacmeen, waxaana uu sheegay in markii hore uu dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed,kaas oo salka ku haayay arrimo la xiriira is qabqabsi dhinaca dhulalka ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Magaalada Boorama ayaa waxaa ay sheegayaan in weli duleedka Magaalada Booraama ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada Booliska Soomaaliland iyo maleeshiyo beeleed ku sugan duleedka Magaalada Boorama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.