Home Afsomali Ciidamo cusub oo Gabdho waxbartay isla markaana horey bilaa camal horey u...

Ciidamo cusub oo Gabdho waxbartay isla markaana horey bilaa camal horey u ahaa ayaa kamid noqonaya Ilaalada Deegaanka Xamar minishiibiyo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday ciidamo cusub oo ku biiraya ilaalada deegaanka Xamar, kuwaasi oo dhawwaan tababar loo furi doonno.

Ciidamadan cusub ee ku biiraya ilaalada deegaanka Xamar ayaa  u badan dhallinyarada wax ku bartay dalka, kuwaa oo go’aansaday in ay qeyb ka noqdaan ciidamada deegaanka oo markii hore u badnaa kuwa aan waxbaran.

Guddoomiye Madaale ayaa ciidamadan kula dar-daarmay in ay summad u noqdaan anshax wanaagga iyo wada-shaqeynta ciidanka iyo shacabka, taas saldhig u ah qorshaha maamulka Gobolka ee ku aaddan dowlad-wanaagga iyo kalsooni-gelinta shacabka.

Ciidamadan kamid noqonaya ilaalada deegaanka Xamar waxaa ku jira gabdho, waxa ayna ciidankan maamulka gobolka doonayaan in ay soo celiyaan sumcada ciidanka ilaalada  deegaanka Xamar .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.