Home Afsomali Ciidamo Ethiopian ah loo lagu weeraray Qarax Qasaare geystay gudaha dalka Somalia

Ciidamo Ethiopian ah loo lagu weeraray Qarax Qasaare geystay gudaha dalka Somalia

Ciidamo katirsan kuwa Ethiopia ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa waxaa qaraxyo Miino & weerar toos ah  lagula beegsaday inta u dhaxeeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolkaasi Gedo.

Ciidamada oo ka yimid dhinaca Ethiopia ayaa ku wajahnaa degmada luuq, waxaana Kolonyo galbineysay laba qarax lagula beegsaday Tuulada Shaatoolow ee Gobolka Gedo.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qarax kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Ethiopia  iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, balse weli aan la helin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada ayaa sheegay in mid kamid ah qaraxyada uu haleelay Gaari ay saarnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah halka midka kale lala beegsaday Ciidamo lugeeynayay.

Saraakiisha Ciidamada Ethiopia iyo Maamulka Gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee dhowr jeer ayaa Ciidamada Ethiopia iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen wadada xiriirisa Magaalooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Previous articleDilka Muwaadiniinta Somalida ah oo weli ka socdo dalka Koonfur Afrika
Next articleXiliga la dooran doono Madaxweyne dalku yeesho oo la shaaciyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.