Home Afsomali Ciidamo katirsan dowladda oo gaaray degaan u dhow degmada Aadanyabaal & howlgallo...

Ciidamo katirsan dowladda oo gaaray degaan u dhow degmada Aadanyabaal & howlgallo socda

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa Maanta waxaa ay howlgal ku gaareen degaanka Qooxle oo u dhow Tuulada ee degmada Aadanyabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo u kuyaallo Saldhiga ugu weyn Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamadaan oo ka tegay meelo kamid ah gobolka hiiraan ayaa dhowr jeer dagaalo xoogan kula galay Al-Shabaab degaano katirsan gobolka hiiraan, iyaga oo degaano dhowr ah kala wareegay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in howlgalka ay ciidamada ku gaareen degaanoa Qooxle ay qeyb ka yihiin diyaarado dagaal oo dusha kala socda, kuwaas oo horay dhowr jeer u duqeeyay fariismo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka ee kusugan Gobolka Hiiraan ayaa Risaala u sheegay in ay ka go’an tahay in guud ahaan gobolka Hiiraan ka saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab, howlgalladana ay sii wadi doonaan.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa weli laga dareemayaa degaannada iyo degmooyinka gobolka hiiraan, waxana furimaha dagaalka ku sugan Xildhibaano katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgallada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.