Ciidamo hubeysan oo taageersan siyaasyiinta mucaaradka Puntland, isla markaana sheegtay inay yihiin Kumaandooska DANAB Puntland ayaa qabsaday qaar kamid ah qalabkii doorashooyinka qofka iyo codka ahaa ee Gobolka Nugaal.
Ciidamadaan oo qaarkood la sheegay inay kasoo baxeen furimaha dagaalka Magaalada Laas-Caanood ayaa xalay saqdii dhexe si xoog ah ku qaatay Sanaadiiqda codeynta doorashooyinka ee loo waday degmooyinka Dangoroyo iyo Burtinle, xilli la marsiinayay meelo kamid ah magalada Garoowe.
Qaar kamid ah Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in degaannada iyo degmooyinka Gobolka Nugaal lagu qabto doorashooyin muran uu ka taagan yahay ee aan la isku raacsaneyn.
Ciidamadaan oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la sheegay inay ku sugan yihiin duleedka Magaalada Garoowe, isla markaana ay doonayaan inay la wareegaan Sanaadiiqda kale ee loogu talo galay codeynta doorashooyinka Puntland.
Tallaabadaan ayaa kusoo aadeysa xilli Isimadda gobalka Nugaal iyo Guddi ku howlanaa xalintan khilaafka ka dhashay doorashooyinka ay shalay sheegeen in ay xaliyeen xiisadda ka dhalatay doorashada.