Home Afsomali Ciidamo qaran waa. Balaaya loo baahan yahay!

Ciidamo qaran waa. Balaaya loo baahan yahay!

Isbaaro Ciidan

Sanadihii ugu dambeeyay, siiba afarti sanoo ugu dambeysay ee la yiri Somalia waxay ka baxday ku meel gaarka waxaa aad loo hadal hayay dib u dhiska ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee burburay dabayaaqadii sideetamaadki, Inkastoo arinkan aad loo hadal hayo, siyaasiyiin iyo shacab iyo weliba beesha calamka, “mararka qaar”, hadana ilaa iyo hadda ma aragno wax muujinaya in xittaa mustaqbalka dhow la dhisi doono ciidamo. Sidaas darteed waxay dad badan oo soomaaliyeed is weydiinayaan waxa hor taagan?
Alkhristow intaanan guda gelin ka hadalka jawaabta su;aashan kor ku xusan oo aan filayo in soomaalida ku kala aragti duwan tahay, bal marka hore aan ku bilowno falanqeyn guud, xiriirka ka dhexeeya “ciidan, colaad, cadaalad darro iyo weliba Alle oo la caasiyo.
Hadaad aragto ciidamo la dhisayo waa laba midkood: in dulmi jiro oo markaas la doonayo in lagu suuliyo, amaba mid soo fool leh oo laga baqdin qabo oo markaas la doonayo in looga hor tago. Marka labaad in la doonayo in wax lagu dulmo, cidda lagu dulmayo ha noqoto isla bulshada dhexdeeda sida dunida sadexaad cadadiga ka ah, amaba umada kale oo deris ah. Labadaba xaalaba waa nasiib darro, tan dambaana sii daran. Nuxurka waxuu noqonayaa, mar hadaad maqasho ciidamo qaran, hareerahaada ka dey “dulmi, colaad iyo cadaalad-darro, waayo looma baahdeen hadaanay jirin labadaas.

Nolosha Aadanaha waxaa u assal ah nabad iyo cadaalad, colaadaha, ciidamo uruursiga iyo xeyd-xeydashadana waa wax dib ka yimid !
Hadaan meel fog ka soo bilowno, Aadam iyo Xawaa waxay ku noolayeen jannada Alle, oo nabad iyo caano ah, colaad, xiqdi iyo xajiinna maysan aqoonin, taasoo ah noloshii assalka ahayd ee loogu tala galay in aadanaha ku noolaato, laakiin nasiib darro waa laga soo saaray ka dib marki ay cuneen miraha geedki laga reebay.
In kastoo loo dhaafay dambigi ay galeen, hadana dambigaas waxaa ka dhashay laba arimood oo aan la mahadinin, kuwaasoo kala ah: In laga soo saaray jannadi Alle iyo in lagu yiri, “ogaada barkiina barka kale ayuu cadow u yahay”. (Waa laba ciqaabood oo aad u cul-culus).
In colaada assalkeedu yahay Alle oo la caasiyo, cidda had iyo jeer hurisana ay yihiin kuwa casiyaasha ah waxaad ku garan kartaa:

Cidda dabinka u dhigtay Aadam iyo Xawaa, sababna u noqtay in jannada laga soo saaro, sidoo kalana durriyadooda lagu ciqaabo colaad joogta ah waxuu ahaa Sheydaan oo aan og nahay heerka uu ka gaaray caasinimada Alle.
Qofkii ugu horeeyay ee ku xad gudba qof kaloo bani aadam ah waxuu ahaa Qaabiil oo dilay walaalkiis Haabiil. Markaad dheehato doodi dhex marta asaga iyo walaalki ka hor intuuna dilin, waxaad durba fahmeysaa in Qaabiil ahaa caasi Alle ka furtay, halka Habiil oo ah kan la dilayna uu ahaa mu’min ah Alle caabud ah. Alle ka cabsiga waxuu gaarsiiyay heer uuna naftiisa difaacin “Hadaad ii gacan qaado si aad ii disho, aniga kuu gacan qaadi maayo si aan kuu dilo, Alle ayaan ka baqayaa”.
Hadaad u fiirsato dhammaan qisooyinkii dhex maray Rususha Alle iyo qoomamkii loo soo diray, waxaad arkeysaa in Ambiyadu mar walba ahaayeen kuwa cadaalad iyo nabad ku baaqa, balse iyaga mar walba la dulmi jiray. Ciidamo qaran ma urursan jirin, waxay mar walba umadaha loo diray ku wajahayeen run iyo cadaalad, dood furan iyo weliba xujjooyin cad-cad, halka xaq-diidyadana ay mar walba adeegsan jireen colaad iyo xoog. Arinkaa waxuu socday ilaa laga soo gaaray Nabi Maxamed CSW, oo Ambiyada lagu soo khatimay. Intaanan Jihaadka la waajibinin ka hor, nabiga CSW iyo saxaabada waxay la kulmeen dhib aad u badan, waxaa laga saaray tuulooyinki ay ku dhasheen, waxay noqdeen qaxooti, waxaa la bililiqeystay hantidoodi, waxaa loo diiday xajka. Xilliyada qaar way lahaayeen xoog ay isku difaacaan laakiin looma idmin, muddo ka dib ayaa loo idmay inay isdifaaci karaan (Jihaad).

Waxba yuuna hadalka ila dheraane, waxaan rabaa inaan hoosta ka xariiqo aragtida ah:
1- in nabadda assal u tahay aadanaha colaadu tahay wax lagu jirrabay.
2-sida islamka uga soo horjeedo colaadaha iyo xoog-adeegsiga.
3- xiriirka ka dhexeeya caasinimmada Alle la caasiyo, cadaalad-darrada iyo colaadaha.
4- xiriirka ka dhexeeya afarta aan kala harin ee caasinimmada, colaadda, ciidan iyo cadaalad-darro.
5-in ciidamo urursiga maanta dunida ka jira iyo dhammaan arimahan ay yihiin wax isku wada xiran oo aadanaha dib kala soo darsay.
6-In dhisma ciidan qaran uusan ahayn horumar bulsho iyo dal toona, sida dad badan moodayaan, oo uu yahay duruuf iyo dani-keentay. (dab la shiday lama oga cidda ku guban doonta)

Wixii dhaliil, ama tala iyo tusaalo ah kala xiriir cinwaanka hoos ku qoran

19 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.