Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay howlgalkan ku bartilmaameedsadeen guryo ku yaalla gudaha degmadaas, waxayna kala soo baxeen tiro dad ah
Howlgalkan ayaa si weyn looga dareemay xaafadaha degmada Dayniile, balse ma jiro illaa iyo hadda wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen saraakiisha laamaha amniga dowladda.
Tan iyo markii la guda-galay bisha barakeysan ee Ramadaan ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ay ka sameynayaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.