Home Afsomali Ciidanka Booliska Puntland oo qabtay Qoys u dhashay dalka Suuriya

Ciidanka Booliska Puntland oo qabtay Qoys u dhashay dalka Suuriya

Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay qoys u dhashay dalka Suuriya oo ku eedaysan in ay dahab ka dhaceen magaalada Muqdisho

Booliska Gobolka Karkaar ee Puntland  oo kaashanaya Waaxda denbi-baarista u qaabilsan Booliska ee C.I.D ayaa gacanta ku dhigay qoyskan oo ku eedaysan in ay dhaceen 940 garaam oo dahab ah.

Magacyada qoyska oo ka kooban 4 xubnood ayaa sida Boolisku sheegay kala; Abdikarin Axmed Almuhamed, Jamiila Qasi Yuusuf, Abdalla Abdikariim Axmed iyo Malay Abdikarim Ahmed.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska Puntland ayaa u qornaa sidaan:

“Ciidanka Booliska Puntland oo gudanaya  waajibka ka saaran ilaalinta sharuucda Puntland ayaa gacanta ku dhigay eedeysanayaal baxsad ah oo u dhashey dalka Suuriya kuwaa oo soo dhacay 940 Garaam oo dahab”.

“Ciidanka Booliska qaybta Gobolka Karkaar iyo CID ayaana ku guulaystay qabashada eedaysanahayaasha Waxaana la horgeyndoona Cadaalada hadii allaah idmo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.