Home Afsomali Ciidanka dowladda oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab fuliyay

Ciidanka dowladda oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab fuliyay

Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay geeysay Gobolka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyeen degaano hoostaga degmooyinka Dooloow iyo luuq ee Gobolkaasi Gedo.

Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay inta u dhaxeysa degaanka Gedweyne iyo dehmada Luuq gaar ahaan degaanka Shaataloow, halkaas oo dhowr jeer ay Al-Shabaab weeraro ka fuliyeen

Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen dhamaan ciidamada qalabka sida ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa waxaa hoggaaminayey sarakiil sare oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka ee Gobolka Gedo Gashaanle sare Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan, Abaanduulaha guutada 10aad qeybta 43aad ee Ciimada Xooga Gashanle dhaxe Cismaan Cabdi Qorax iyo taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo Gashaanle sare Cabduqaadir Cumar Biixi

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgalka kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay gacanta ku hslayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana dadka ay ku dhibaateyn jireen.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan Amniga wadada u dhaxeeysa degmooyinka luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Howlgalkan Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ka fuliyeen degaano katirsan Gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ay Ciidamada dowladda dagaal xoogan kula galeen Al-Shabaab wadada u dhaxeeysa degmooyinka luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.