Home Afsomali Ciidanka dowladda oo sameeyay howlgallo dad lagu qabqabtay

Ciidanka dowladda oo sameeyay howlgallo dad lagu qabqabtay

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa xalay ilaa saaka waxaa ay howlgallo dad badan lagu qabqabtay ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Baardheere ee Gobolkaasi Gedo.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay kadib markii qarax miino lala beegsaday Guddoomiyaha degmada Baardheere xilli uu marayay mid kamid ah waddooyinka degmada Baardheere in kastoo wax khasaaro ah uusan ka dhalan qaraxaas.

Ciidamada ayaa baaritaano ka sameeyay Gurayaha qaar Aaga uu qaraxa ka dhacay iyo waddooyinka, waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in howlgalka lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo laga shakiyay.

Saraakiil katirsan Ciidanka degmada Baardheere ayaa sheegay in howlgalka ay ku xaqiijinayaan Amniga degmada, isla markaana ay ka hortagayaan kuwa falalka Akni darro ka geysta degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.