Home Afsomali Ciidanka dowladda oo weerar ku qaaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka...

Ciidanka dowladda oo weerar ku qaaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta weerar qorsheysan ku qaaday goobo ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose oo la sheegay iney isku aruursanayeen dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalka xoogiisa ka sameeyay deegaanka Sabansableey oo lasoo wariyay inuu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab, hayeeshee aanan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegeen in howlgalkaasi khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ay ugu geysteen dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo isku arruursanayay deegaanka Sabansableey, hayeeshee maysan carabaabin khasaaraha intuu dhan yahay.

Waxay sidoo kale sheegeen saraakiisha iney ku daba jiraan firxadka xubnaha ka tirsan Shabaab ee isku aruursanaayay deegaanka Sabansableey, islamarkaana ay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka ka wada howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.