Home Afsomali Ciidanka Kenya oo si aan sharci aheyn  ku dilay in ka badan...

Ciidanka Kenya oo si aan sharci aheyn  ku dilay in ka badan 16o ruux 

Ciidanka Kenya oo si aan sharci aheyn  ku dilay in ka badan 16o ruux

Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay booliska Kenya in ay si sharci darro ah u dileen 167 qof sanadkii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan dad lagu soo qabtay iyaga oo jabinaya xayiraadaha Covid-19.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadu ay masuul ka ahaayeen 33 qof oo raq iyo ruuxba lagu waayay sanadkii 2021.

Warbixinteeda waxyaabihii dhacay sanadkii 2021 ayay Amnesty ku eedeysay booliska in ay isticmaaleen awood aan loo baahnayn oo mararka qaar sababaysay dhimasho, si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaasha, waxay sheegeen in dadka la soo eedeeyay aysan wjihin cadaaladda.

Booliska Kenya wali kama aysan hadlin warbixinta ay soo saartay Amnesty.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.