Home Afsomali Ciidanka maamulka Somaliland oo la wareegay dhismo hotel uu ka dul...

Ciidanka maamulka Somaliland oo la wareegay dhismo hotel uu ka dul babanayey Calanka Qaranka Soomaaliya

Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Magaalada laas-caanood ee Gobolka Sool ayaa  waxaa ay si awood ah ku galeen kulana wareegeen Hotel Maanta laga furay Magaaladaas.

Ciidamada Booliska Soomaaliland oo wata hubka koocyadiisa kala duwna ayaa tegay hotelka, iyaga oo ka dejiyey Calamada Soomaaliya iyo Kenya oo la surey,xilli ay socotay Munaasabad xariga looga jarayey Hotelka.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamadi ay xireen qaar kamid ah milkiilayaasha Hotelka iyo Wariyeyaal halkaasi u tegay soo tebinta daahfurka Hotelka.

Dadkii ku sugnaa Hotelka ayaa badi la sheegay inay goobta ka carareen,kadib markii Ciidamadu tageen Hotelka,sida ay Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadkii ka qeyb-galay Munaasabadda furitaanka.

Sababaha ugu wyen oo ay Ciidamada Soomaaliland ula wareegeen Hotelka ayaa lagu sheegay inay kasoo horjeedaan Calanka Soomaaliya ee Buluuga ah ee la suray Hotelka, iyada oo ay xusid mudan tahay in Soomaaliland dhowr mar xirtay dad Hargeysa ku xirtay dhar loo ekeysiiyey Calanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.