Home Afsomali Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Howlgal ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed  ka sameeyeen tuulo lagu magacaabo Makiiney oo 40-Km Galbeed kaga beegan magaalada Xudur ayaa lagu dilay 3 ka mid ah Al-shabaab

Waxaa, sidoo kale howlgalkaan lagu furtay hubkii ay wateen xubnaha la dilay sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

“Howlgalkaan ayaa qayb ka ah kuwa ay maalmahaan ciidanka xoogga dalka ka wadeen deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool kuwaas oo khasaaro loogu gaystay khawaarijta” ayaa lagu war ay soo saareen saraakiisha ciidamada.

Dadaalada lagu doonayo in dhammaan deegaanada koofur-galbeed looga saaro Al-shabaab ayaa la sheegay iney qeyb ka yihiin howlgaladan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.