Home Afsomali Ciyaar yahankii Kubada cagta Saciid Ducaale oo ku xanuunsanaya dalka yaman oo...

Ciyaar yahankii Kubada cagta Saciid Ducaale oo ku xanuunsanaya dalka yaman oo ka tirsanaa kooxihii heerka koowaad

deg ah ninka shaalka gaduudan ama casaanka dulsaaran waa ninkii sportska somaliya ugu sareeyey saciid ducaale oo hada la keeney isbitaalka wadanka waa yaman magaalada cadan xanuun pls u soo duceeya ama cidii caawin karto haddii dal kale lageeynaayo numebkiisa waan soo raadinaa

Mida kale wax aka ogow 

Naadigii Horseed oo ka mid ahaa kooxihii heerka koowaad saldhigiisuna ahaa degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka mid ahaa Kooxihii ugu Tunka Weynaa marka laga hadlayo Isboortiga waxaana Naadigaasi mudadii uu jiray uu qaaday Koobab kala duwan oo isagu jira Horyaal,koobka Janaraal Daauud iyo koobab

Munaasabado ah, tababarayashii caanka ahaa ee Soo maray Kooxdii horseed waxaa ka mid ahaa Ibraahim Suudaani,Garaare,Cabdiladiif Maxamed Afdhuub,hadaba Waxaan Maanta idiin heynaa warbixin aanu kaga Hadleyno Xidigihii Naadigaasi soo maray Xiligii Barisamaadka,Haday ahaan lahaayeen Kubadda Cagta,Koleyga Wiilasha iyo Hablaha waxaana ku hormareynaa Xidigihii Kubadda Cagta ee Soo Maray HORSEED’ CAWO IYO MAALIN”

  1. Jeylaani Khaliif…………………..…..

 

  1. Xasan Xamaama…………………..

 

  1. Biyooleey………………………………

 

  1. jaahuur…………………..………………

 

  1. Saciid Ismaaciil

 

  1. Iskoot

 

  1. Shaash

 

  1. Aweys Fuundi

 

  1. Saciid Ceyroow

 

  1. Dajuuma

 

  1. Diridhabe

 

  1. Cabdi Kuus

 

  1. Adkeyso

 

  1. Aweys Kismaayo

 

  1. Kiler

 

  1. Cabdi ladiif

 

  1. Shaarkeey

 

  1. Baasi Balaqoow

 

  1. Axmed Cali Culusoow

 

  1. Galaal Dhuuni
  2. Xasan Xarbi
  3. Burci

 

  1. Saciid Ducaale

 

  1. Cafiif

 

  1. Maxamed Ismaaciil’ Siteey’

 

  1. Cali Gureey

 

  1. Shidane

 

  1. Saciid Galgaduud

 

  1. Cumar Gado

 

  1. Axmed Yare

 

  1. abaliisha
  2. Shoombe
  3. Aweys Edar

 

Weeraryahankii Caanka ahaa ee naadigii Cawo iyo Maalin Horseed Ciyaaryahan Saciid Maxamed Cabdi ‘Saciid Galgaduud’oo Kooxda u xiran Jiray Lambarka 10 ayaa sheegay in Kooxda Horseed ay aheyd Koox awood Ciyaareed ku lahaan jirtay Soomaaliya magac weyn iyo Horumar Muuqdana laheyd waxa uuna xusay in Kooxda ay ku guuleysatay Koobab kala duwan oo uu ugu Caansanaa Kii Horyaalka Kubada Cagta.

Galabta aan la ciyaareyno Kooxaha waaweyn lagama heli jirin Garoonka Meel laga fadhiisto’ ayuu yiri Saciid Galgaduud oo ka mid ahaa Weeraryahanadii ugu caansanaa ee soo maray Soomaaliya iyo Naadiga Horseed.

Saciid Galgaduud waxa uu sheegay inuu ciyaari jiray Ciyaar ku dhisan Farsamo iyo adkeysi kubadeed isla markaana Taageerayaal fara badan uu ku lahaa Garoonka kuwaasoo is weydiin jiray Saciid Galgaduud galabta ma safan yahay.

Laacibkaan Saciid Maxamed Cabdi oo lagu neynaasi jiray Saciid Galgaduud ayaa  sheegay in waayo wanaagsan uu ku soo qaatay Kooxdiisii Horseed waxa uuna saciid ahaa Laacib kaftan badan isla markaana deeqsi ku ah kubada Gooldhalintiisuna aheyd heer sare

Laacibkaan ayaa Taageerayaasha Horseed soo Xasuusiyay 80meeyadii  Saciid Ducaale Maadaama uu Buuxiyay Lambarkiisii iyo Booskii uu ka Ciyaari Jiray ee 10ka

Hadaba Siciid Galgaduud Mar uu ka hadlay Taariikhdiisa Waxa uu Yiri.

waxaan ku dhashay degmada ceelbuur waxaan dugsiga hoose iyodhexe uga soo baxay ceelbuur dugsiga sare waxaan kaga baxay xamar school banaadir horseed waxaan ku soo biiray 1980 oon u ciyaaray junyarkarka u ciyaatau sanadkaa oo aan wacdaro ka dhigay kaalinta 2aadna aan ku soo baxnay

1981waxaan u u saftay seria A horseed kadib 1982-83 waxaa la ii magacaabay xulka qaranka soomaali waxaan dhiiri gelin iyo xushmad badan ka helay taageerayaashii horseed oo aanan iloobi karin iyo macalin keeygii qaaliga ahaa Axmed maxamed Fiyoolensa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.