Home Afsomali Codka Soomaalida Xorta Ah (Axraaru Soomaal) Ujeeddo : Soomaaliyey Is daba...

Codka Soomaalida Xorta Ah (Axraaru Soomaal) Ujeeddo : Soomaaliyey Is daba Qabo Katashada Cadaawahaa Isku Tiirsanaadaa

 

Tan iyo intii ay burburtay xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya 26kii Janaury 1991kii waxaa Soomaaliya hareeyey faragelin shisheeye mid dadban iyo mid toos ah sida Faragelinta iyo tartanka Waddamada Yurub , Yahuudda iyo USA ay ugu baratamayaan boobka kheyraadka Soomaaliya bad iyo beriba, dallaaliinta dalalkaasi awoodda leh sida Ethioibiya iyo Masar oo uu ka dhaxeeyo murana Wabiga Niilka.

Waxaa kaloo dalaaliinta reer galbeedka ka mid ah wadamada khaliijka sida Qatar iyo Imaaraatka oo ay faragelintooda isugu soo biyo shubtay mid bareer ah oo aan cidna laga qarineyn.

Sidaa aawadeed waxaan u kala qaadeynaa aragtida laga qabo faragelintaasi qaawan 3qeybood:

1-Dawladda Hadda Talada heysa oo ku heshay kursiga M/weyne Taageero dhaqaale oo Qatar ay siisay M/weynaha talada haya Max’ed A/Laahi Farmaajo, oo uu Fahad Yaasiin dallaal uu ka ahaa, sidaa aawadeed Villa Soomaaliya waxay noqtay mid si toos looga fuliyo danaha Qadar.

a- Maxkamada Gobolka Banaadir oo u jirta Madaxtooyo in ka yar nus KM, caddaalo daro ka jirta darteed dadka Muqdisho ku dhaqan waxay dacooyinkooda u geystaan Ashbaabka jooga Shabeelada hoose.

b- Wasiirkii howlaha guud Cabbaas Siraaji ee la dilay , oo ay maxkamad xukuntay ninkii dilka geystay, Dowladda wey u dhici la’dahay fulinta Qisaasta dilka ayadoo ka baqeysa qabilka uu ka soo jeedo Gacan ku dhiiglaha oo ku goodinaya wiilkeena looma dili karo Raxanweyne, Siyaasiyiinta arintaasi la soo taagan waa KUWA ImaaraatKa dabo dhilifKa u ah.

c- Waxay Dowladdu ka dambeeysay rididii M/Weynihii Hir/Shabeelle, iyo isu daygii lagu ridey M/weynaha Galmudug, taasoo u riixday Dowlad-gobleedyadan iyo kuwii soo haray iney u midoobaan sidey isu kaashan lahaayeen oo ay uga hortagi lahaayeen hagardaamada Dowladda

Federaalka oo Qadar u shaqeysa, iyaguna kama roonaan oo waxay maciin bideen iney dabo dhilif Imaaraat noqdaan, waa khalad khalad lagu saxay.

d- M/weynaha oo ka hor qirtay shirkii Dowlad-gobleedyada iney ku fashilmeen la dagaalanka Ashabaab, tallaabadii habooneyd oo aheyd in lala heshiiyo maadaama ay Soomaali yihiin wey ka warwareeganayan isaga iyo R/wasaare Kheyre oo ka baqaya Reer Galbeedka aan u ogoleen Soomaali iney mar kale isu timaado oo ay cagaheeda ku si taagto

e- Xaqiiqda Beesha Caalamka waxa weeye:{Nin ku dilay har kuuma jiido} { Qacda maqashii waxna ha u qaban}{Baadida ninbaa kula daydayi daalna kaa badan aan dooneyn inaad heshaa daa’in abadkaa}

f- Dhiibistii Qalbi Dhagax.

g- Qaraxii Zoobe oo ay ku nafwaayeen in u dhow 1000 qof

h- Wareerarkii Naaso Hablood lagu eedeyey iney mas’uuliyin dowlada ka tirsan ay fududeeyeen.

i- Guryaha Shaqaalaha Bangiga ee ku yaal Buulo Xuubey, Madiina oo Mas’uuliyiin sare Dowladda ka tirsan ay iib ku doonayaan si ayu dhacaan dhowr shirkadood waa looga digey iney iibsadaan, warka ugu dambeeyey waxay heshiis la galeen Preim Banka.

j- Hankii loo hayey Dowladda cusub oo ah iney isbedel & wax qabad kusoo kordhiso dalka lagama hayo sida : Canshuur laga qaado shirkadaha isgaarsiinta, xawaaladaha iwm oo ka caado yeeshay iney laaluushaan madaxda sare makrii la doorto.

k- Kursiga Soomaaliya ee AU-IBAR,Hawada Soomaaliya,& Furaha 252, isuma ayan dayin iney gacan Soomaali dib ugu soo celiyaan.

Khaldaadka dowladda waa intaas iwm, su’aasha waxay tahay Mas’uuliyiinta Dowladda iney isa saxaan diyaar ma u yihiin?!! Jawaabta oo ficil ah iyagaa laga rabaa, caburinse maya.

2- Cumar C/Rashiid & C/Raxmaan A/Shakuur oo labadaba la soo shaqeeyey Sharif Sh. Axmed, iyadoo Cumar ay u dheer tahay inuu Xasan sh. Max’ud u ahaa Ra’iisul wasaare oo ay isaga & Xasan Mas’uul ay ka ahayeen khiyaamo Qaran oo fara badan sida Calanka Soomaaliyeed iney isku dayeen iney bedelaan iyagoo ka amar qaadaneyey Cadowga Soomaaliya.

Cumar C/Rashiid & C/Raxmaan A/Shakur oo taageero ka heysta Shariif , Xasan Sheekh iyo qeybo ka mid ah dadkii lasoo sahqeeyey, oo kulligood ay ku caddahay khayaano Qaran iyo Dawlado Fashalmay waxay u tafo xeeteen sidii ay ku ridi lahaayeen xukuumadda hadda jirta iyagoo taageero muruq, maal iyo maskax (M 3 ) ka heysta Imraatka oo ay danaheeda ka shaqeeyaan, si ay u noqdaan Madaxweyne & Ra’iisul wasaare bedela Farmaajo & Kheyre

Waxa xusid mudan Doorka Turkiga ee uu ku leeyahay Soomaaliya oo mid Muqadas, ahna dal had iyo gooraale u taagan difaaca danaha Islaamka, ma aha inaan la sinno Qatar ama Imaraat iwm.

3- Soomaali weynta soo hartay : waxaan uga digeynaa iney labadaasi dhinac la kala saftaan, sababtuna waxay tahay labaduba dan Soomaali ma wadaan oo waxay isu qaawiyeen ka shaqeynta danaha Qatar iyo Imaaraatka, sidaa aawadeed waxaa la gudbon iyagoo isku duuban iney mujiyaan

dareenkooda ku aadan iney wada jir uga shaqeeyaan waxa u dan ah dadka Soomaaliyeed aduun iyo aakhiro oo ayan dalkooda iyo dadkooda siisan sandareerto, laguna ka xaysan qabiil iyo nafci been ah, sidatan ayaa lagu badbaadin karaa jiritaankeena ummadnimo, hadii kale khariradda Afrika iyo tan Caalamka weynu ka tirmeynaa, waana midda ay u ololeynayaan labada dhinac ee is haya, ha ogaadeen ama yeysan ogaan.

Baraha bulshadu ay kuwada xiriirto, Raadiyayaasha, TV-yada iwm laga muujiyo dareenka dadka Soomaaliyeed inaan loo weecin Karin waddo khaldan oo loogu adeegayo shisheeye usoo tafo xeetay in nalaka tirtaro khariiradda Caalamka

Wada shaqeyn wacan

Hussein Ali Elmi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.