Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha Magaalad Baardheere waxaa maanta gelinkii hore ay jirdil xoogan u geysteen –maamulaha Shirkadda Hormuud xarunteeda Baardheere.
Dhibane Ismaaciil Axmed Nuur oo ah maamulaha Shirkadda Hormuud xarunteeda Baardheere ayaa la kulmay jirdil xoogan xilli uu ku sugnaa gudaha Airport-ka Magaalada-halkas oo uu u tagay in uu Ethiopian-ka kala xaajooda arrimo la xiriiro Laanta shirkadda Hormuud ee Baardheere kuwaas ,oo ay ka mid ahaayeen in shirkada laga qaado xayiraada ay saareen Ciidamada Ethiopia.
Maamule Ismaaciil Axmednuur ayaa Itoobiyaanka ka dalbaday in shirkada laga qaado xayiraada xilliyada aroorti ah,inta u dhexeyso 600AM Aroortii ilaa 9:00AM barqanimo (Laba iyo Tobanka Aroornimo iyo Sagaalka barqanimo”.
Arrintaas oo cabasho xoogan uu ka muujiyay maamulaha la jir dilay,islamarkaana uu sheegay in dhaqaalo badan uu ka lumayo shirkadda,ayna isi soo tarayaan cabasho xoogan oo uga imaaneysa dhanka shacabka ka mid ah Macaamiishooda,sidaasi darteedna loo baahan yahay in Ciidamada Ethiopia ay si sharuud la’aan ah xayirada uga qaadan shirkadda.
Muran iyo isafgaranwaa ka dhashay arimahaasi ayaa sababay in Ciidamo lagu Dalbado maamule Ismaaciil iyadoona jirdil xoogan ay u geysteen Askar gaarayso illaa 4 Askari oo Hubeysan ,kuwasoo la sheegay in taliyahooda uu ku amray in la garaaco maamulha –islamarkaana xoog looga saaro gudaha Airport, ka oo Xarun weyn u ah Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Magaalada Baardheere.
Maamule Ismaaciil Axmed Nuur waxaa hadda dhaawaciisa lagu dabiibayaa Isbitaalka Kulmiye Hospital ,oo ku yaallo agagaarka boosteejada Saakow ee koonfurta Magaalada Baardheere.
Shacabka iyo bulshada Magaalada ayaa waxaa dareen xoog leh ku abuurtay dhacdada maanta ka dhacday magaaladaasi Baardheere.
Waxaa gudaha magaalada laga dareemayaa hadallo Ethiopian naceyb ah oo lagu dalbanayo in Itoobyaanka ay si deg deg ah oga soo jawaabaan ,dhacdadaasi maanta ay sameeyeen Ciidamadooda.
Dhinacooda maamulka Magaalada Baardheere ayaa shir deg deg ah .ka qaadanayo dhacdada lagu dhaawacay maamulha shirkada Hormuud Baardheere,
Ku simaha Guddoomiyaha Degmada Baardheere Xuseen Xalane ahna Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ayaa si kulul u cambaareeyay falkii lagu dhaawacay maamule Ismaaciil Axmed Nuur.waxaana gudoomiyaha uu baaq u jeediyay taliska guud ee Ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia ,isagoo ka codsaday in si deg deg ah loo soo fara galiyo Arrimaha ka soconaya Baardheere