Home Afsomali Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland Oo Fariin Qoraal Ah Oo Culus...

Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland Oo Fariin Qoraal Ah Oo Culus Gaadhsiiyey Sadexda Gole Qaran,

Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland Oo Fariin Qoraal Ah Oo Culus Gaadhsiiyey Sadexda Gole Qaran, isbiyada iyo Maxkamada Sarre Ee  Somaliland+Ujeedada ay Daaran Tahay
Hargeysa ()-Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland oo maalmihii ugu danbeeyey saluug xoogan ka muujiyey qaabkii Xukuumada Somaliland usoo xushay Gudida Culimada Somaliland oo ah Gole Dastuuriya oo ay tilmaameen in loo maray xulidiisa hanaan sharciyada iyo Dastuurka dalka u yaal baal marsan ayaa maalin-nimadii shalay waxa ay Sadexda Golle Qaran iyo Xisbiyada Somaliland iyo Maxkamada Sarre ee Dastuuriga ah  u gud-biyeen Warqad qoraala oo ay kaga hadlaayeen arimo la xidhiidha Sharci-nimada Golan dhawaanta ay Xukuumadu ku dhawaaqday iyo sidoo kale Qodobo sharciya oo Xukuumadu jabisay markii ay soo xulaysay Gudidan Culimada ah oo sida ay sheegeen ay ku jiraan Xubno ka tirsan Kooxo Arga-gixiso ,iyo sidoo kale Xubno kamida Gudiyo Dastuuriya oo aan sharcigu u banaynayn in lagu daro Gudi labaad oo dastuuriya
Dhinaca kale Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland ayaa waxa ay qoraalkan ay u gudbiyeen ku xuseen sida ay Gudidan lasoo xulay u baalmarsan tahay cadaalada iyo sinaanta Garsoorka, Culimada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa waxa ay ku doodeen in Xukuumadu Gudidan u magacawday kooxda Wahaabiyada oo fikir ahaan aaminsan xagjirnimada ,isla markaasina aan aaminsanaynba Dawladnimada iyo Dastuurka Somaliland oo ay xuseen inay u arkaan gaalnimo,
 Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland ayaa dhinaca kale ku dooday inay  yihiin aqlabiyada Culimada Somaliland u badan isla markaasina ilaa taariikhdii soo jireenka ahayd ee dalka Somaliland ay iyagu ahaayeen kuwii usoo halgamay waqtiyadii kala duwanaa ee dalka ay qabsadeen gumaystayaashii kala duwanaa ee dalka soo maray ee ay ugu danbeeyeen Gumaystihii Ingriiska iyo Rajiimkii Siyaad Barre oo ay Sheegeen in taariikhdu Xustay doorkii ay ku laaheen Halgamadaas
Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Somaliland ayaa gabagabadii waxa ay Golayaashii uu qoraalkoodu ku socday ka codsadeen inay dalka bad-baadiyaan khilaaf Diimeed iyo jaho wareer Diimeed oo arintani sababto
Liiska Magacyada Xubnaha Culimada Ahlu Sunna Wal-jamaaca Ee Qoraalkan ku Saxeexnaa
1. Sheekh Axmed Caabi Cabdi
2.Sheekh C/qaadir Sheekh Axmed
3. Sheekh Xasan Ibraahim Maxamed Fartaag
4. Sheekh Cumar Axmed Cismaan
5.Sheekh Maxamed Shabcaan
6. Sheekh C/raxmaan Yaasiin Jaamac
7. Sheekh Axmed Ismaaciil Ayuubi
8. Sheekh Siciid Faarax Xasan
9. Sheekh Maxamuud Cabdiwali Ismaaciil
10. Sheekh Maxamed Rashiid Cismaan Qalinle
11.Sheekh Axmed Macalin C/laahi
12. Sheekh Muxamed Sheekh C/laahi Aw Cilmi
13 Sheekh C/naasir Dalal Axmed
14.Sheekh Cali Maxamed Xasan
15.Sheekh C/raxmaan Axmed Koosaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.