Waxa goordhow la filayaa inuu magaalada Muqdisho ka bilowdo, shir loogu magac daray shirweynaha culimada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadli doono ajandayaal ay kamid yihiin sharciyad ka qaadista ururka Al-Shabaab, sida sixida fahamka saxda ah ee diinta islaamka.
Sharciyad siinta dawladda, sida xukunka islaamka iyo dawladnimada casriga ah Iyo dhisida Golaha Sare ee Culimada
Shirkan oo socon doona illaa khamiista ayaa waxa ka qaybgalaya culimo ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, kuwaasoo soo bandhigi doono aragtiyadooda shirka.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu shirka furo, isagoo jeedin doonaa khudbad ku aadan dhibaatooyinka ay dalka, dadka iyo diinta ku heyso kooxda Shabaab.