Home Afsomali Daahfur loo sameeyay Hormuud Salaam Bank Foundation ( DAAWO SAWIRADA )

Daahfur loo sameeyay Hormuud Salaam Bank Foundation ( DAAWO SAWIRADA )

Waxaa markii ugu horeysay magaca laga bedelay Hay’adda Hormuud Foundation, tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2014, iyadoona lala mataaneeyay Salaam Bank, loogu magac-daray Hormuud Salaam Bank Foundation.

Tallaabada lagu mideeyay labadaan xafiis ayaa waxay la xiriirtaa, sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, kuwooda gacan qabashada iyo daryeelkaba u baahan.

Munaasabadda daahfurka Hormuud Salaam Bank Foundation oo maanta lagu qabtay Xaruntii Hormuud Foundation ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Hormuud Salaam Bank Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan, Gudoomiyaha Salaam Bank, Maxamed Cabdi Colow, iyo masuuliyiin kale.

Maxamed Cabdi Colow, Gudoomiyaha Salaam Bank oo la hadlay Saxaafadda ayaa yiri “Hawshaan maanta la rabo in la daahfuro oo ah Hormuud Salaam Bank Foundation waa hawl loo madlanaa, oo mudadaanba la qaban-qaabinaayay, Ilaahay mahadiis maanta ayay noo suurtagashay inaan daahfurno. Salaam Somali Bank sidaad ogtihiin waa bankigii ugu horeeyay oo burburka ka dib laga furay Somaliya, waxaa la furay 2009-kii, bishii October. Ujeedada loo furayna waxay ahayd oo la isugu hawlay in ay bulshada Soomaaliyeed hawlo waaweyn u qabato, baahidoodana ay daboosho. Saddex shay oo muhiim ah ayay umadda u qabataa, waxayna kala yihiin maalgelin, adeeg iyo taakuleynta bulshada Soomaaliyeed.”

Colow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Taakuleynta bulshada Soomaaliyeed intooda baahan waxaan bilownay, isla-markii la furay 2009-kii, waxaa ka faa’iideystay dad badan oo rag iyo dumarba isugu jira, oo qiyaastii gaaraya saddex kun oo qof oo danley ahaa. Dadka ugu hooseeya ee bulshada ah aad iyo aad ayay uga faa’iideysteen, lacago waxaan siineynay ay wax ku qabsadaan/maagelin, oo macnaheedu yahay inaanan wax faa’iido ah laga rabin, oo ay tahay keliya lacagta inay sideeda u soo celiyaan, habka diiwaangelinta marka ay maraana la siiyo.”

Waxaa uu intaa ku daray “Iyadoo taas laga duulaayo ayaa waxaa la isla gartay, maadaama Hormuud-na dhankeeday ay ka waday taakuleynta bulshada Soomaaliyeed, sidaad ogtihiin abaaraha, daadadka, cudurada iyo wixii lamid ah, baahida loo qabo ayaga ayaa dabooli jiray intooda waaweyn Somaliya. Ka dib markii la arkay in Salaam Bank Somalia goonideeda ay wax u waddo, Hormuud-na sidoo kale waxaa la isla gartay xoogaas, maskaxdaas iyo maalkaas in la wada mideeyo, si umadda Soomaaliyeed ay si dhaba uga faa’iideysto. Waxaan rajeyneynaa arrinkan inuu horseedi doono in shaqadii, taakuleyntii iyo daryeelkii umadda Soomaaliyeed uu laba jibaarmi doono, oo aad arki doontiin Insha’Allahu Tacaalaa mar dhow, guulo iyo horumaro waaweyn in laga gaari doono.”

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Bank Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka barbar hadlayay Mr. Colow ayaa sheegay in ballaarinta lagu sameeyay Hormuud Foundation uu ka dhigan yahay dardargelinta daryeelkii loo fidinayay bulshada Soomaaliyeed.

“Hormuud Telecom iyo Salaam Bank waxay madaxdoodu go’aansadeen in shaqada ay qabanayaan, oo ah gargaarka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, oo gooni gooni ay u hayeen in la mideeyo, isla-markaana ay ku midoobaan Hormuud Salaam Bank Foundation, taasoo ka dhigan in shaqada ama barnaamijyada ay qabaneysay Hormuud Foundation ay noqon doonaan barnaamijyo ka ballaaran, kana baaxad weyn barnaamijyadii ay horey Hormuud Foundation ay u qaban jirtay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Hormuud Salaam Bank Foundation.

Gudoomiyaha ayaa xusay in mataanaynta lagu sameeyay Hormuud Foundation iyo Salaam Bank uu yimid, xilli xanuunsidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno, uu dalka ku yeeshay saamayn muuqato.

Si kastaba ha-ahaatee Salaam Bank ayaa noqonaya baankii ugu horeeyay oo gaar loo leeyahay ee dalka ka shaqo bilaabo xilli adag, waxaana maanta lagu tilmaamaa bankiga ugu weyn ee dalkeena uu leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.