Home Afsomali DAAHFURKA QAADASHADA TALLAALKA EE SHAQAALAH DOWLLADA 2021

DAAHFURKA QAADASHADA TALLAALKA EE SHAQAALAH DOWLLADA 2021

WASAARADDA CAAFIMAADKA IYO DARYEELKA BULSHADDA
JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
بسم الله الرحمن الرحيم
DAAHFURKA QAADASHADA TALLAALKA EE SHAQAALAH DOWLLADA 2021

Muqdisho, 21 Ogosto 2021- Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, wasaardda Shaqada iyo arimaha Bulshadda iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Qaranka ayaa si wadajira u daahfuaray Qaadashada Tallaalka ee Shaqaalaha Dowllada kasoo ah barmaanamij ay dhamaan shaqaalaha Dowladda lagu gaarsiin doono tallaalka ka hortaga Caabuqa Covid-19.
Dowllada Soomaaliya waxey muddadii lasoo dhaafay Tallaal Xirmooyin ah ka helaysay beesha Caalamka oo soo marisay Xarunta Caalamiga ah ee (COVAX Facility), Waxaana Dowllada Soomaaliya u qorsheysan in tallaalka ay gaarsiiso dhamaan dalka oo dhan, Qofkasta oo Jooga Soomaaliya, Kana Weyn Da’da 18 sano, Wuxuu usoo Bixi karaa Inuu Iska Tallaalo Caabuqa Covid19, WAA WAQTIGII LAGA GUULEYSAN LAHAA CAABUQA COVID-19.
Ila iyo hadda tallalka waxaan gaarsiinay 1.8 waana xaddi aad u yar balse waxaa filaynaa in bilaha soo socda aan kor u qaadi doono dad badan oo Soomaaliyeedna aan gaar siin doono tallaalka.
Isbuucyada soo socda waxaa tallaalka COVID-19 qaadan doona dhamaan Shaqaalaha Dowllada, sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, iyo wasaaradaha Caafimaadka ee dowlad-goboleedyada waxay ka shaqeyn doonaan iyagoo kaashanaya WHO iyo UNICEF in si siman loo qaybiyo tallaalada iyada oo la maareynayo nidaamyada kaydinta saxda ah, tababbarka tallaalayaasha si ay tallaallada ammaan ugu maamulaan; la socodka qaadashada tallaalka, gaar ahaan dadka u qalma iyo kuwa nugul; iyo dhiirri-gelinta qaadashada tallaalka iyo sii wadidda badbaadinta Bulshadda xaaladaha halista ah ku jiraan ee caabuqa COVID-19.
Fadlan qaado talaalka oo badbaadi naftaada, qoyskaaga iyo bulshadaada. Sidoo kale waxaa lagama maarmaan ah inaan joogteyno gacmo dhaqashadda, xiro afka iyo sanka, u jirso masaafa dhan ugu yaraan 1 mitir dadka kale, ku dabool afka iyo sanka tiish marka aad qufacayso ama aad hindhisayso, haddii aad isku aragto Qufac, qandho ha tegin goobaha ay bulshaddu isugu yimaadaansida suuqyada, xafladaha, Aroosyada, fagaarayaasha , Kulamda ciyaaraha, tacsida, iyo IWM. Wixii faahfaahin ah fadlan la xiriir number gaaban ee 449.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.