Home Afsomali Daalibaan oo baareysa dilka haweeneyn xaamilo aheyd

Daalibaan oo baareysa dilka haweeneyn xaamilo aheyd

Koox katirsan Taalibaan ayaa lagu eedeeyay in gobolka Ghor ee dalka Afganistan dil u geesteen haweeneyn xaamilo aheyd oo horey uga tirsaneed ciidanka booliiska dowladii bur burtay .

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay Banu Negar, oo aheyd xaamilo in lagu dhax dilay gurigeeda xili ay la joogtay xubno katirsan qoyskeeda, dilkan ayaana argagax iyo cabsi badan ku abuuray dadka deegaanka.

Afhayeenka kooxda Taalibaan Zabiullah Mujaheed oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in kooxda Taalibaan ka dambeeyeen dilka haweeneyda booliiska aheyd, waxa uuna sheegay in baarayaan cida dilkaasi fulisay.

“Waan ka warqabnaa dhacdadan lagu dilay Banu Negar waxaanan xaqiijinayaa in kooxda Taalibaan aysan dilin, baaritaankayagu wuu socdaa waana soo gudbin doonaa natiijada”. ayuu yiri Afhayeenka Taalibaan.

Dilkan loo geestay haweeneydan katirsaneed booliiska Afganistan ayaa kusoo aadaya xili kooxda Taalibaan lagu eedeeyay in caburin ku heyso haweenka, waxa ay sidoo kale kooxdan balan qaaday in aargoosi dhici doonin lana cafiyay dadkii katirsanaa dowladii hore.

Previous articleDagaal mar kale ka qarxay degaanka Kabxanleey ee Waqooyiga Magaalada Beledweyne
Next articleXoogaga Taliban oo ku dhawaaqday Gole wasiiro cusub oo ku-meel gaar ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.