Home Afsomali Daalibaan waxay gacanta ku dhigtay in ka badan 200,000 oo qori gacmeed,...

Daalibaan waxay gacanta ku dhigtay in ka badan 200,000 oo qori gacmeed, 20,000 oo baabuurta Dagaalka ee casriga ah .

Waxaa La Xaqiijiyey in Daalibaan ay gacanta ku dhigtay in ka badan 200,000 oo qori gacmeed, 20,000 oo baabuurta Dagaalka ee casriga ah .

waxaa ka daran inay heleen in ka badan 208 Diyaaradood oo ah noocyo kala duwan oo ay ku jiraan nooca AC-130 , A-29 Super oo horay loo siiyey Ciidankii Afgaanistan .

Muuqaalo Baraha Bulshada lagu Faafiyey ayaa Waxaa ka Muuqda Qaar kamid ah Ciidamada Daalibaan oo Raanwayga kuwada dayuurad Blackhawk ah iyagoo Diyaaradaas u kaxaynaya Sida Baabuurta.

Diyaaradahaas halkii xabo waxaa la siiyaa lacag dhan $6m oo doollar, Diyaaradhaas 7 kamid ah bishii hore ayaa lagu wareejiyey Ciidankii kala cararay ee afgaanistaan

Waxaa Cabsi weyn laga muujiyay Hubkan iyo diyaaradahan u gacan galay Daalibaan inay Dhibaato ku Gaysteen ama ay siiyaan Kooxo kale oo halis ah .

La Taliyaha Amaanka Qaranka Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa qirtay in aanay sawir cad ka haynin sida loo qabsaday hub ku kacaya $83 bilyan oo doollar oo haatan ku jira gacanta Daalibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.